Waxgarad ku baaqay in xilka laga qaado Guddoomiyaha Sh/hoose

maalik_som September 30, 2012 Comments Off

Muqdisho: (Sh.M.Network)   Odayaashaani iyo Waxgaradkaani kasoo jeeda degmada Afgooye ee gobolka Sh/hoose ayaa kullan ay ku yeesheen gudaha degmadaasi waxa ay ku eedeeyaan in guddoomiyaha gobolka Sh/hoose uu ku fashilmay wax ka qabashada ammaan darrida ka jirta gobolkaasi. 

Qaar ka mid ah Odayaasha oo la hadlay Idaacadda Shabelle ayaa waxa ay sheegeen in Guddoomiyaha gobolka Sh/hoose uu ka dambeeyo falalka ammaan darri iyo dilalka qorsheysan ee ka dhaca gudaha gobolkaasi sida ay hadalka u dhigeen. 

“ Maalin waliba dhibaataa ka dhacda gobolka, shacabkii waa la dhacaa, marka Madaxweynaha Soomaaliya Prof. Xasan Sheekh Max’ud waxa ka dalbanaynaa in uu xilka ka qaado Guddoomiyaha gobolka Sh/hoose ninka la yiraahdo C/qaadir Siidii” sidaasi waxa yiri mid ka mid ah Odayaashaasi.

Hadalkaani ayaa waxa uu kusoo aadayaa, iyadoo gudaha iyo duleedyada Afgooye ay ka dhacaan falal carqalad ku ah ammaanka, waxaana xusid mudan in mararka qaar ay ka dhacaan dilal qorsheysan oo loogeysto dad rayid ah oo aan waxba galabsan.

Comments are closed.

Facebook

Twitter