Afgooye: (Sh.M.Network) — Waxgarad iyo Odayaal kasoo jeeda gobolka Sh/hoose ayaa Guddoomiyaha gobolkaasi waxa ay eedeeyeen in uu iska horkeenayo Beelaha dega gobolkaasi, iyagoo ka codsaday Madaxda Dowladda in Guddoomiyaha xilka laga qaado.
Odayaashaani iyo waxgaradkaani ku dhaqan gobolka Sh/hoose ayaa waxa ay ka dalbadeen Madaxda Dowladda Soomaaliya in uu xilka qaadis ku sameeyo Guddoomiyaha gobolka Sh/hoose, C/qaadir Nuur Siiddii kaasi oo ay ku eedeeyeen in uu iska horkeenayo Beelaha ku dhaqan gobolkaasi. sida uu sheegay Nabadoon Max’ed Daahir oo ka mid ah Waxgarad kasoo jeeda gobolkaasi.
“ Waxaan ka cabsi qabnaa in gobolka uu ka dhaco dagaal salka ku hayo Beelo, meeshaani dhibaataa kasoo socota, marka Madaxweynaha waxaa ka cosanayaa in uu xilka ka qaado Guddoomiyaha gobolka Sh/hoose C/qaadir Nuur Siidii” sidaasi waxa yiri Nabadoon Max’ed Daahir.
Marar badan ayaa Guddoomiyaha gobolkaasi waxaa lagu eedeeyey in uu dhibaato ka wado gudaha gobolka, islamarkaana uu iska horkeenayo Beelaha dega halkaasi, iyagooo xusay in lagama maarmaan ay tahay in wax laga qabto dhibaatooyinkaasi.























Comments are closed.