Muqdisho(Sh.M.Network)—Kadib kulan Ballaaran oo ay yeesheen waxgarad,Siyaasiyiin ,aqoonyahanno,iyo Culumaa’udiin kasoo Jeeda Beelaha Banaadiriga ay kuna yeesheen Magaalada Muqdisho ayaa waxa ay kaga hadleen arimo la xiriira dad ay sheegeen in iyagoo isku muujinaya in ay Matalaan Beelaha Banaadiriga ay xod xodanayaan Madaxda Sare ee dowladda Soomaaliya,
Cumar Shariif Jeeg Guddoomiyaha Midowga dhalinyarada Beelaha Banaadiriga oo warbaahinta lahadlay ayaa shaaca ka qaaday in xilligii DKMG ee Madaxweynaha uu ka ahaa Shariif Sheekh Axmed odayaal aan matalin beelaha Banaadiriga ay si xooga ugu soo xuleen dad aysan raali ka aheen Beelaha Banaadiriga hadana ka mid ah Xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya waxaana Guddoomiyuhu uu shaaca ka qaaday in dibad baxyo xoogan ay dhigi doonaan haddi madaxda Sare ee dowladdu aysan soo fara galin cabashadooda
Guddoomiyaha Midowga Dhalinyarada Beelaha Banaadiraga ayaa wacad Kumaray in dibad baxyo xoogan aysan isqabsan doonaan Magaalada Muqdisho iyo meelkasta oo Beelaha Banaadiriga ayaa Joogaan haddii aan lasoo faragelin cabashada ballaaran ee ay qabaan Beelahaasi Banaadiriga
Dhinaca kale waxaa halkaasi ka hadlay Dheere Shiikhey oo ah Guddoomiyaha Xalinta Khilaafaadka Beelaha Banaadiriga kaas oo sheegay in Beelaha Banaadiriga oo ah xuduntii nabadda iyo Horumarka dalka xuquuqdooda marwalbo ay caado iska noqotay in laduudsiiyo isagoo sheegay in marna aaneey ka weecan doonin dadaalka ay ugu Jiraan in xuquuqdooda oo Dhameystiran ay helaan
Waxgaradkale oo kahadlay Madasha ayaa dhankooda waxa ay ugu Baaqeen Masuuliyiinta dowladda Soomaaliya in ay ku soo fariistaan Gogosha nabadeed ee Beelaha Banaadiriga si wax badan oo qaldan ay isula Fiiriyaan


























Comments are closed.