Mudisho: (Sh.M.Network) Waxagaradka ku sugan inta u dhaxeysa Muqdisho iyo Afgooye ayaa waxa ay ka cabanayaan Kooxo ku labisn dareeska Ciidamada Dowladda Soomaaliya oo ay kala kulmaan dhac iyo boob baahsan.
Qaar ka mid ah Waxgaradkaani oo la hadlay Warbaahianta Shabelle ayaa waxa ay sheegeen in Kooxahaasi ay dhac ku hayaan habeen iyo maalin islamarkaana aysan ukala socneyn dadka rayidka ah iyo Gawaarida BL-ka ah ee isticmaala wadada dheer ee Xiriirisa Muqdisho iyo Afgooye.
Saraakiisha Ciidamada Dowladda Soomaaliya iyo Madaxda qaranka ayaa waxa ay ka codsadeen inay wax ka qabtaan dhibaatooyinkaani isdaba joogga ah oo ay gaystaaan Kooxo xiran dharka Dowladda Soomaaliya.
Magaalada Muqdisho ee Caasimadda dalka Soomaaliya iyo gobolada qaar ee dalka gaar ahaa Sh/hoose iyo Sh/dhexe ayaa waxa qaar ka mid ah shacabka ku nool ay ka cabanayaan Kooxo ku labisan dareeska Ciidamada Dowladda oo mar waliba dhac iyo baarasho u gaysta, iyadoo illaa iyo iminka aan jirin tallaabo muuqata oo laga qaaday dadkaasi.























Comments are closed.