Ankara (Sh.M.Network)— Iyadoo malamihii ugu dambeeyey Dagalao u dhaxeeya labo beelood oo walaalo ah ay ka dhaceyn deegaanka Baalaldheere oo qiyaas ahaan 100 KM u jira Magaalada Dhuusomareeb ee xarunta Gobolka Galguduud dagaaladaasi oo sababey qasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac ayaa dagaaladaasi iney mar kale soo laabtaan waxaa ka digey wax garadka ku nool Gobolka Galguduud ee bartamaha Soomaaliya .
Maxamed Cali cumar oo ka mid ah wax garadka ku nool Gobolka Galguduud oo la Hadley idaacada shabelle ee Magaalada Muqdisho ayaa ka digey in mar kale dagaal u dhaxeeya Labadaan beelood oo walaalaha ah uu halkaasi ka dhaco isagoona xusey in xiisado ay ka jiraan deegaanadii lagu dagaalamey wuxuuna baaq nabadeed u direy beelaha walaalaha ah ee dagaalamaya.
Sidoo kale Maxamed Cali Cumar ayaa sheegey in dhaqdhaqaaqyo ay ka jiraan Deegandii lagu dagaalamey isagoona xusey ineysan jirin wax dhexdhexaadin ah oo laga dhex wado beelaha dagaalamey wuxuuna mar kale baaqnabadeed u direy beelaha dagaalamaya .
Tan iyo markii ay soo if baxeyn Dagaalada u dhaxeeya Labada beelood ee walaalaha ah oo ku dagaalamey deegaanka Baalaldheere ee gobolka Galguduud waxaa isi soo tarayey wax garadka Soomaaliyeed oo ku baaqaya in la joojiyo Dagaalada balse inta badan dagaalada u dhaxeeya dadka reer Miyiga ah waxaa loo sababeeyaa isku qabsi dhuldaaqsimeed iyo ceel biyoodyo oo ku yaalo deegaanada lagu dagaalamyo.























Comments are closed.