Muqdisho (Sh.M.Network)—Cali Xarsi Barre ( Cali Gaab) Taliyaha Ciidamada Nabad Gelyada Waddooyinka oo warbaahinta lahadlay kadib kulamo ay wada qaateen Wasiirka Warfaafinta ayaa waxa uu sheegay in kulankooda ay kaga hadleen dar dar gelinta shaqooyinka taraafikada.
Sareeye Guuto Cali Gaab ayaa tilmaamay Askar ka tirsan Ciidanka Booliska Nabad Gelyada Waddooyinka ay abaal Marinno Muteysteen kadib markii uu ku dhawaaqay arrintaasi Wasiirka Warfaafinta Cabdullaahi Ciilmooge Xirsi.
Dhanka kale Wasiirka Warfaafinta boosta iyo Isgaarsiinta oo la hadlay warbaahinta ayaa ugu baaqay Ciidamada Taraafikada in ay Xoojiyaan Waajibaadkooda shaqo.
Kulankaan Maanta ay wada qaateen Wasiirka Warfaafinta iyo Saraakiisha Ciidamada Taraafikada ayaa la filayaa in uu wax weyn ka bedelo sharciyada Gaadiidka iyo waddooyinka.























Comments are closed.