Wasiirka Maaliyadda oo dib ugu soo laabtay Muqdisho kana warbixiyay safarkiisa

maalik_som December 9, 2012 Comments Off

Muqdishor (Sh.M.Network)—Kadib Safar uu ku tagay Wasiirka Maaliyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Magaalada Nairobi ee dalka Kenya ayaa waxa uu maanta dib ugu soo laabtay Magaalada Muqdisho

Wasiirka Maaliyadda ee xukuumadda Federaalka Soomaaliya Max’uud Xasan Suleymaan oo kadib markuu  ka soo dagay Gegida diyaaradaha ee Aadan  Cadde Air-Port lahadlay warbaahinta ayaa waxa uu sheegay in shaqo halmaalin ah uu utagay Magaalada Nairobi ee xarunta dalka Kenya islamarkaana uu kulamo lasoo qaatay Soomaalida lashaqeysa deeq bixiyayaasha Caalamka

Wasiirka ayaa Sidoo kale waxa uu xusay in uu soo saxiixay heshiis dhex maray dowladda Federaalka iyo Denmarka kaasi oo ku aadanaa deeq lacageed oo gaareysa 5 Million oo dolarka Mareekanka ah taas oo dowladda Denmark horay ay ugu deeqday Soomaaliya.

Safarkaan uu ku tagay Wasiirka Maaliyadda Xukuumadda Somaaliya Magaalada Nairobi ee uu heshiiskaan ku soo saxiixay ayaa waxa uu ku soo aadayaa xilli Wasaaradda Maaliyadda ay  horay ushaacisay in ay dib usoo noleyn doonto ilaha dhaqaalaha dalka

Comments are closed.

Facebook

Twitter