Muqdisho(Sh.M.Network)—Wafdigii uu hogaaminayay Wasiirka Gaashaandhiga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Cabdi xakiin Xaaji Max’uud Fiqi ayaa maanta dib ugu soo laabtay Magaalada Muqdisho kadib booqasho hal maalin ah oo ay ku tageen Magaalada Baydhabo ee xarunta Gobolka Bay.
Wasiirka ayaa ka hor inta aanu kasoo baqoolin Baydhabo waxa uu halakasi kula kulmay Saraaskiish Ciidamada dowladda Kuwa Ithopiya kuwa AMISOM iyo Masuuliyiinta Maamulka Gobolka bay sida Idaacadda Shabelle uu uxaqiijiyay Guddoomiyaha Gobolkaasi Cabdi Fitaax Geeseey.
Wasiirka ayaa sidoo kale intii uu ku sugnaa Magaalada Baydhabo waxa uu booqasho ku tagay qaar ka mida Xeryaha iyo Xarumaha Ciidanka ee Gobolkaasi Bay halkaasi uu kula soo hadlay Ciidamada dowladda Sooomaaliya ee Gobolkaasi
Wasiirka Gaashaandhiga Xukuumadda Soomaaliya Cabdi xakiin Xaaji Max’uud Fiqi ayaa shalay isaga iyo wafdi uu hogaaminayo waxa ay gaareen Magaaladaasi Baydhabo ee xarunta Gobolka Bay























Comments are closed.