Muqdisho (Sh.M.Network) Wasiiradda Arrimaha Dibadda Soomaaliya Fowziyo Yuusuf Xaaji Aadan oo maanta dib ugu soo laabatay Magaalada Muqdisho ayaa waxa ay saxaafadda faah faahin uga bixisay kulunkii golaha Amaanka Q/M ay ku yeesheen Magaalada New York kaasi oo looga hadlayay Arrimaha Soomaaliya.
Fowziyo Yuusuf Aadan, ayaa waxa ay sheegtay in golaha ay kala hadashay sidii Soomaaliya looga qaadi lahaa xayiraada hubka ee saaran, waxaana ay intaasi ku dartay in goluhu uu soo dhaweeyay arrinkaasi laakiin aan wali go’aan laga gaarin balse lagu rajaweyn yahay in la qaadi doono xayiraadaasi.
Wasiiradda ayaa sidoo kale soo hadal qaaday go’aankii Soomaaliya ay isku hortaagtay in Ciidamo badeed oo AMISOM ah kana socda Kenya la sameeyo waxana ay tilmaamtay taasi in ay san waxba u dhimeynin xiriirka Soomaaliya iyo Kenya .
Fowziyo Yuusuf ayaa carabka ku dhufatay in Kenya ay kala hadeen sidii ay uga qeyb qaadan lahaayeen dib u diska Ciidamada badda Soomaaliya si ay awood ugu yeeshaan Ilaalinta biyaha Soomaaliya.
Wasiirada Arrimaha Dibadda Soomaaliya Fowziyo Yuusuf Xaaji Aadan oo Soomaaliya uga qeyb gashay Kulankii golaha Ammaanka Q/M ee looga hadlayay arrimaha Soomaaliya oo ka dhacay Magaalada New York ee Xarunta Qaramada Midoobay.
Daawo Sawirada









![Kulanka looga hadlayo ka hortaga dhibaatada Loo geysto Saxafiyiinta oo Galay Maalintiisii Labaad [ Sawirro ]](http://shabelle.net/wp-content/uploads/2013/05/IMG_2111.jpg)


















Comments are closed.