Wasaraddii Maaliyadda ee Gaas oo edeymo iska fogeysay

maalik_som September 9, 2012 Comments Off

Muqdisho: (Sh. M. Network) Wasiir ku xiggeenka Wasaaradda Maaliyadda Xukuumaddii uu hoggaaminayay Ra’iisul wasaare C/wali Max’ed Cali Gaas, Cali Idiris Faarax oo la hadlay Idaacadda Shabelle ayaa waxa uu wax kama jiraan ku tilmaamay in Wasaaradda Maaliyadda ay lunsatay lacag badan oo loogu talagalay dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed. 

Wasiir ku xiggeenka ayaa iska fogeeyay eedeymo muddooyinkii dambe loo jeedinayay Wasaaradda Maaliyadda, taasi oo taallay Bangiga dhexe Soomaaliya oo lagu eedeeyay in Wasaaraddu ay wax is daba marin ku sameysay lacagahaasi. 

Hadalkaani ayaa imaanaya xilli Ra’iisul wasaarihii hore ee Xukuumadda KMG ah Max’ed Cabdullaahi Max’ed (Farmaajo) oo qudbada ka hor jeedinayay Xildhibaano ku shirayay Xarunta Golaha shacabka ee Magaalada Muqdisho ayaa waxa uu cadeeyay in markii uu ka degay xilka Ra’iisul wasaarenimo in Bangiga Soomaaliya uu kaga tagay lacag 7-Milyan iyo shan boqol oo dollar-ka Maraykanka ah, taasi oo ay ka mid aheyd lacag kasoo xarootay Xukuumaddii uu hoggaaminayay.

Comments are closed.

Facebook

Twitter