Wariyeyaal Banaanbax Cabasho ah ku sameeyay Muqdisho

maalik_som October 18, 2012 Comments Off

Muqdisho: (Sh.M.Network) —Banaanbax ka dhan ah Wargeysa The Guardian ee ka sheegay been Saxaafadda Soomaaliyeed ayaa waxa uu ka dhacay Magaalada Muqdisho ee Caasimadda dalka Soomaaliya.   

Banaanbaxaani oo ahaa mid ballaaran islamarkaana ay kasoo qeyb galeen dhamaan Wariyeyaasha ka howlgala Magaalada Muqdisho iyo gobolada ee dalka oo ka kala socday Idaacadaha, Tv-yada iyo Wargeysyada ayaa waxa ay ku cambaareeyeen Warbixin lagu qoray Wargayska The Guardian ee kasoo baxa dalka Ingiriiska taasi oo sheegaysay in Wariyeyaasha Soomaalida ay dhexdooda isdilaan. 

Banaanbaxa oo ahaa mid aan horey loo arrag ayaa Wariyeyaashii ka hadlay waxa ay si kulul u cambaareeyeen Wariye Jamaal Cismaan oo ahaa Wariyihii daabacay Warbixintaasi isagoo ka raadinaya magac,  islamarkaana ka been sheegay xifraddiisa Saxafinimo, maadaama si aan ka leex leexad laheyn uu u sheegay in Saxaafadda Soomaaliyeed ay yihiin kuwo laaluush qaatayaal ah, iyagoo ka dalbaday Dowladda Soomaaliya in haddii uu yimaado dalka Jamaal Cismaan la qabto, islamarkaana la horgeeyo Maxkamadda. 

“ Waxaan si kulul u cambaareynaynaa ninka sheegtay in uu yahay Wariye ee ka been sheegay Bahda Saxaafadda Soomaaliyeed, Saxaafadda been iskama sheegto, iskumana sifaaddo, Jamaal waa uu naga been abuurtay, umana dul qaadan doono” sidaasi waxa yiri Wariyeyaasha maanta dhigay Banaanbaxa. 

Guddoomiyaha Ururka Saxafiyiinta Soomaaliyeed ee marka magaceeda lasoo gaabiyo loo yaqaamno NUSOJ Maxamed Ibrahim Pakistan oo ka hadlay Banaanbaxa ayaa waxa uu sheegay in wax laga xumaado ay tahay Warbixintii uu daabacay Wargeyska Ethe  Guardian islamarkaana ay aheyd mid lagu deg degay. 

“ Maanta wixii ka bilowda waa uu go’ay Xiriirkii nagala dhaxeeyay Chanel For iyo waliba Wargayska The Guardian, illaa raali gallin laga bixinayo falka foosha xumaa ee nagula dhaqaaqay” sidaasi waxa yiri Guddoomiye Pakistan. 

Wariyeyaasha ku sugan dalka Soomaaliya ayaa ah kuwa inta badan naftooda u hura tabinta Wararka ku saleysan Xaqiiqda, iyagoo ka fog iska horkeenidda shacabka Soomaaliyeed iyo qaadasha Laaluush, waxaana Bahda Saxaafadda Soomaaliyeed ay is isku mid ah u cambaareeyeen Wariye Jamaal Cismaan oo meel uga dhacay Sharafka iyo Sumcadda ay leeyihiin Bahda Saaafadda Soomaaliyeed.

Comments are closed.

Facebook

Twitter