Wariye Tuur yare oo xaalddisa ay soo hagaageyso

maalik_som October 22, 2012 Comments Off

MUQDISHO (Sh.M.Network)—Xaaladda Wariye Max’ed Max’uud Tuur Yare ayaa ah mid ka sooo reyneyso iyadoo dhaqaatiirta Isbitaalka Madina ee Magaalada Muqdisho oo ka warbixiyay xaladda wariyaha ay noo xaqiijiyeen in ay tahay xaaladdiisa mid soo hagaageyso.

Wariye Max’ed Max’uud Tuur Yare ayaa labo nin oo Bastoolado ku hubeysan waxa ay salaaddii Maqrib kadib xaly kuweerareen meel aan sidaa uga fogeen gurigiisa oo kuyaalla degmada Wadajir ee Gobolka Banaadir.

Dhaawaca Soogaaray wariye Tuur yare ayaa intiisa badan waxa uu ka haleelay Caloosha oo isla xalayba qalliin looga sameeyay kaasi oo dhaqaatiirtu ay ku guuleysteen in ay sidii ay ugu tala galeen qalliinka uu udhaco.

Dad ay ka mid yihiin wariyaasha Shabelle oo ku sugan Isbitaalka ayaa soo sheegaya in xaaladda Max’ed Max’uud Tuur yare ay tahay mid gabi ahaanba ka soo reyneysa.

Weerarka Lagu qaaday Max’ed Max’uud Tuur yare ayaan ahayn kii ugu horeyay ee nuuciisa ah ee loo geysto Wariye ka howlgala Idaacadda Iyo Tvga Shabelle hasee ahaatee waxa uu noqonayaa wariyihii Shanaad ee uu sameeyo weeraro dhimashol iyo dhaawac sababay oo lagu bartilmaamsaday howlwadeeno ka tirsanaa Shabakadda warbaahinta Shabelle.

Comments are closed.

Facebook

Twitter