Wariye Tuur Yare oo lagu aasay Deegaanka Jaziira

maalik_som October 29, 2012 Comments Off

Muqdisho-(Sh.M.Network)—Allaha unaxariistee Wariye  Max’ed Max’uud Tuur Yare oo xalay ugeeriyooday dhaawac Kasoo Gaaray weerar kooxo dhagar qabayaal ah ay ku qaadeen Todobaadkii hore  xilli uu kusugnaa meel aan ka fogeen gurigiisa oo kuyaalla degmada wadajir ee Gobolka Banaadir ayaa maanta waxaa lagu aasay Qabuuro Kuyaalla Deegaanka Jaziira ee Gobolka Sh/hoose.

Aaska Allaha unaxariistee wariye Tuur Yare ayaa waxaa ka soo qayb galay Boqolaal dadweyna ah oo isugu jira qaybaha kala duwan ee bulshada sida Saxafiyiin,Masuuliyiin iyo dadweyne kakala yimid xaafadaha kala duwan ee Magaalada Muqdisho.

Markii kolanyada Gaadiidka ahaa ee Galbinayay meydka wariye Max’ed Max’uud Tuur Yare gaareen qubuuraha Jaziira lagana soo dajiyay meydka wariyaha gaari Ambalaas ah oo looga qaaday Isbitaalka Madiina ee Magaalada Muqdisho oo ku geeriyooday ayaa waxaa Goobta Salaaddii Janaasada ahayd kula tukaday dadweynihiii faraha badnaa ee ka soo qayb galay aaska wariyaha iyadoo Salaadda kadibna loogu duceeyay halkaasi islamarkaana laga dalbaday kasoo qaybgalayaashii Janaasada in ay iska cafiyaan Marxuumka.

Wajiyada dhamaan dadkii ka soo qayb galay aaska ayaa waxaa ka muuqatay shucuur muujineysa sida ay uga xunyihiin geeridiisa iyo jeceelka ay uqabeen hase ahaatee waxaa ay dadkaasi sheegeen in geeridu ay tahay xaq cid walbaana ay dhimaneyso iyagoo alla uga barayayay in uu Naxariistiisa Janno ka waraabiyo.

Allaha unaxariistee Max’ed Max’uud Tuur Yare ayaa waxa uu ku dhashay Magaalada Muqdisho sanadkii 1990kii  2000-2007 ayaa waxa uu uga qalin jabiyay wariye Tuur Yare dugsiga Hoose Dhexe iyo Sare  ee AL Masal Madiina, Idaacadda iyo Tvga Shabelle ayaa waxaa uu kusoo biiray wariye Tuur yare Sanaddii 2010ka.

Max’ed Max’uud Tuur Yare ayaa waxa uu ahaa Wariye ka howlgala Shabakadda Warbaahinta Shabelle ,islamarkaana ahaa Webmesterka Idaacadda isagoo howlaha kale ee shaqada kaabi jiray

Sidoo kale waxa uu ahaa nin aad ujecel Saxaafadda ayna ka go’antahay in uu u’adeego bulshada isagoo wararka uu ubaahinayo bulshada aad uga fiirsan jiray

Max’ed ayaa waxaa da’ahaan uu ahaa mid aad uda’yar hase ahaatee Maskax ahaan aad uhormarsan ,dabeecad Furan ayna aad ujeclaayeen Shaqaalaha Shabakadda Warbaahinta Shabelle isagoo dhinaca kalena aad ujeclaa aqrinta iyo wax qorista iyo weliba lasocodka hadba xaaladaha taagan.

Cabdi Max’ed  Ismaacil Cabdi Cuud oo ka mid ah Masuuliyiinta Idaacadda Iyo Tvga Shabelle oo warbaahinta kula hadlay Goobta aaska ayaa waxa uu tacsi tiiraanyo leh udiray ehelada asxaabta iyo inti maqal muuqaalba utaqiinay Wariye Tuur Yare  isagoo dhinaca kalena tilmaamay in marna howlwadeenada Shabelle aanu uga gaabi doonin caqabadahaasi howsha ay ugu aadanyihiin bulshada Soomaaliyeed

Daawo Sawirada Aaska

Comments are closed.

Facebook

Twitter