Kismaayo: (Sh.M.Network) Afhayeenka Ciidamada Dowladda Soomaaliya ee gobolada Jubbooyinka Max’ed Faarax oo la hadlay Idaacadda Shabelle ayaa waxa uu faah faahin dheeraad ah ka bixiyay dagalada ka socda gobolkaasi oo muddooyinkan ahaa kuwa isdaba joog ah.
Max’ed Faarax ayaa waxa uu sheegay in Al Shabaab ay jabeen sida uu hadalka u dhigay, islamarkaana ay iyagu wataan Ciidamo badan oo isugu jira kuwa Dowladda iyo Kenya oo uu sheegay in muddo dheer ay dagaal kusoo jireen.
Afhayeenka ayaa waxa uu shaaca ka qaaday in gallitaanka Magaalada Kismaayo aan lagu deg degi doonin islamarkaana ay wadaan qorshooyin ku haboon si amnni iyo Maamul loogu helo Magaalada Kismaayo.
Sidoo kale Afhayeenka ayaa waxa uu sheegay in Al Shabaab wali ay ku sugan yihiin deegaanno badan, hase ahaatee Ciidamada Dowladda mar waliba go’aankooda uu yahay inay ku duulaan Al Shabaab, maadaama uu tibaaxay in goobaha ay ku sugan yihiin ay ka warhayaan.
Magaalada Kismaayo ee Xarunta gobolka Jubbada hoose oo ah Magaalo dhaqaalo badan ay ka helaan Al Shabaab ayaa la sheegay in intooda badan ay isaga baxeen kaddib markii ay dagaal hareeyeen duleedyada Magaalada iyo diyaarado joogto ka noqdo gudaha Magaaladaasi.























Comments are closed.