Muqdisho: (Sh. M. Network) Saakay ayaa Magaalada Muqdisho waxaa ka socota qaban qaabadii ugu dambeysay ee lagu caleemo saarayay Madaxweynaha cusub ee Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Max’ud.
Madax kala duwan oo ka tirsan Dowladda Soomaaliya iyo kuwii horey ugu tirsanaa Dowladdii Kumeel-gaarka aheyd ayaa saakay kusii qul qulaya Xarunta Iskuul Buluusiya ee Magaalada Muqdisho halkaasi oo lagu wado in maanta ay ka dhacdo Xafladda Caleemo saarka ah.
Ammaanka Xarunta ayaa si aad ah loo adkeeyay, waxaana halkaasi lagu arkayaa Fanaaniin iyo Marti sharaf kale oo lagu casuumaya Xafladda lagu wado in maanta ay xilalaka ku kala wareegaan Madaxweynihii hore ee dowladda KMG ah Mudane Sheekh Shariif Sheekh Axmed iyo waliba Prof. Xasan Sheekh Max’ud.
Wafuudda la fillayo in Xafaladda Caleemo saarka ah ay kasoo qeyb galaan ayaa waxaa ka mid ah sida la sheegay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle, Madaxweynaha Uganda Yuweri Musavani, Ra’iisul wasaaraha dalka Ethiopia Hailamariam iyo Wafduud kale oo Caalami ah kuwaasi oo la fillayo inay soo dhaweeyeen Madaxda Dowladda.
Si kastaba Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya Xasan Sheekh Max’ud oo shalay la hadlay Warbaahinta ayaa waxa uu sheegay in lagama maarmaan ay tahay in Ajaaniibta ka bar bar dagaalamaysa Al Shabaab inay dalka isaga baxaan kuwa Soomaalida ahna uu ugu baaqay inay ka waantoobaan dhibaatooyinka oo ay nabadda qaataan.






















Comments are closed.