Baladweyne: (Sh.M.Network) Wafdigaani oo uu hoggaaminayay Madaxweynaha Soomaaliya ayaa saacadihii u dambeeyay ka dagay Garoonka diyaaradaha ee Magaalada Baladweyne ee Xarunta gobolka Hiiraan halkaasi oo ay kusoo dhaweeyeen qeybaha kala duwan ee bulshada iyo Mas’uuliyiin ka tirsan Maamulka gobolka.
Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Max’ud iyo Wafdigiisa ayaa koormeeray deegaanka Ceel-jaalle ee duleedka dhinaca bari ee Magaalada Baladweyne halkaasi oo ay ku nool yihiin dadkii ugu faraha badnaa ee kasoo cararay fatahaadda uu geystay Wabiga Shabelle.
Wafdiga Madaxweynaha ayaa loo qaaday gudaha Magaalada Baladweyne halkaasi oo lagu wadi in uu kullamo kula qaato Waxgarad, Aqooyahannada iyo Maamulka gobolka Hiiraan ee dowladda Soomaaliya.
Ammaanka Magaalada Baladweyne ayaa si aad ah loo adkeeyay, waxaana Ciidamo badan oo isugu jira Ethiopia, Jabuuti iyo Dowladda Soomaaliya la dhoobay gudaha Magaaladaasi, iyagoo xaqiijinaya ammaanka.
Shalay ayay aheyd markii Wafdi uu hoggaaminayo Madaxeynaha uu gaaray Magaalada Baydhabo ee Xarunta gobolka Bay halkaasi oo uu kula kulay Mas’uuliyiinta ka tirsan Maamulka gobolka Bay, iyadoo Safarkaani uu yahay kii ugu horeeyay oo uu Madaxweynaha ku tago gobolada dalka tan iyo markii lasoo doortay.
Wixii kusoo kordhaa kala soco Shabelle.net haddii Alle Idmo























Comments are closed.