Wararkii ugu dambeeyay dagaal ka dhacay Xudur

maalik_som August 16, 2012 Comments Off

Xudur: (Sh. M. Network)  Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya dagaal qasaaro gaystay oo xalay Ciidamada Dowladda KMG Soomaaliya iyo kuwa Al Shabaab ku dhexmaray degmada Xudur ee gobolka Bakool.

Kaddib dagaal xooggan oo qasaaro gaystay oo xalay Ciidamada Dowladda KMG Soomaaliya iyo kuwa Al Shabaab ku dhexmaray ku dhexmaray Degmada Xudur ee gobolka Bakool ayaa saakay waxa ay faah faahin dheeraad ah ay kasoo baxaysaa dagaaladaasi.

Dagaalkaani oo la sheegay in uu socday mid ku dhawaad 3-saacadood ah ayaa intii uusan bilaaban waxa ay Al Shabaab hawada ka saareen qadadkii isgaarsiinta oo laga Maamulo  deegaan lagu magacaabo (Kullan Jareer) oo ku yaalla duleedka degmada Xudur ee gobolka Bakool kaddib markii ay halkaasi gaareen Ciidamo ka tirsan AL Shabaab.

Inkastoo illaa iyo hadda aan la ogeyn qasaaraha rasmiga ah ee dagaaladaasi ka dhashay ayaa haddana Saraakiil ka tirsan kuwa Ciidamada Dowladda ee gobolka Bakool waxa ay u sheegeen Idaacadda Shabelle in Ciidamo ka tirsan Al Shabaab ay xalay soo weerareen fariisimo Ciidamada Dowladda ay ku leeyihiin degmada Xudur, iyagoo intaasi ku daray in qasaaro xoog leh la gaarsiiyey Ciidamada Al Shabaab, wallow aysan sheegin halka uu la eg yahay qasaaraha ay gaarsiiyeen.

Saraakiisha Ciidamada Dowladda ayaa intaasi ku daray in dagaalka kaddib Al Shabaab ay ka saareen degmada Xudur ee gobolka Bakool. Waxaana ay xuseen in saaakay Ciidamada Dowladda ay howlgallo lagu xaqiijinayo ammaanka ka wadaan duleedyada degmadaasi oo ay baaritaanno ku sameynayaan gaadiidka gala iyo kuwa ka baxa gudaha degmadaasi oo ay xalay dagaalo ka dhaceen.

Wararkii ugu dambeeyay oo saakay Shabelle ay ka helayso degmada Xudur ayaa waxa ay sheegayaan in xaaladdu saakay ay tahay mid degan, dadkana ay hadal hayaan dagaalkii xalay ka dhacay gudaha degmad Xudur ee gobolka Bakool.

Comments are closed.

Facebook

Twitter