Golaha ammaanka ee Q.M oo laalay cunaqabateyntii hubka Soomaaliya

maalik_eng March 6, 2013 Comments Off

New York. 06-03-2013. (Shabelle) Golaha ammaanka ee Q.M ayaa isku raacay in lalaalo ama hakad la geliyo cunoqabateyntii hubka ee saarneed Soomaaliya taasi oo aheyd cabaqabad ku hor go’need qorshaha dowlada Soomaaliya ku dooneyso in ay dib u dhista ciidanka Soomaaliya.

Golaha amaanka ayaa go’aankiisa ku sheegay in cunaqabateenta laga laalay keliya dowladda Soomaaliya balse la sammeyn doono farsamooyin lagu ilaalin doono xayiraada hubka ee ka dhanka ah qeybha kale ee Soomaaliya sida ururka Alshabab iyo kooxaha kale ee xagjirka ah.

Dhinaca kale golaha ammaanka ayaa isku raacay in isu duwada gargaarka ee Q.M uu noqodo mid hal wakiil kleiya lagala soo xariiro taasi oo ah dowlada Soomaaliya, waxaana dhanka Q.M maamuli doono ergayga gaarka Q.M ee Soomaaliya iyada oo gacan laga siin doono dowlada Soomaaliya in adeegyaydaasi gaarsiiso shacabka Soomaaliya.

Qaraarka lambarkiisu yahay 2093 ee soo baxay maanta ayaa ka jawaabaya codsigii madaxweynaha Soomaaliya Xasan Shiekh Maxamuud uu ku dalbaday in Soomaaliya keliya lagala soo xiriiro hal irid waxuuna qaraarkani meesha ka saaraya qeybsigii gargaarka Soomaaliya oo markii hore, Somaliland, Puntland iyo koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya iyada oo iiminka dowlada Soomaaliya keliya loo gala soo xiriiri doono.

Safiirka mareykanka u fadhisa golaha amaanka Susana Rice ayaa sheegtay in qaraarka maanta soo baxay uu yahay mid fariin cad oo taageero ah u diraya dowlada Soomaaliya.

Go’aanka golaha amaanka ayaa ah guul u soo hooyatay dowlada Soomaaliya.

Shabelle news desk

Comments are closed.

Facebook

Twitter