Muqdisho : (Sh. M. Network) Waqtiga Dowladda KMG Soomaaliya ayaa maanta ku eg, iyadoo maantana la fillayo in kullan ay yeeshaan Xubnaha Cusub ee barlamanka Soomaaliya.
20-ka Bisha August oo maanta ku beegan waxa ku eg waqtiga Dowladda uu hoggaamiyo Madaxweyne Sheekh Shariif Sheekh Axmed.
Sheekh Shariif ayaa ahaa muddo ka badan 3-Sano Madaxweynaha dowladda KMG Soomaaliya, waxaana dhinaca kale maanta lagu wadaa in Magaalada Muqdisho in uu ka furmo kullankii ugu horeeyay oo ay yeellanayaan Xildhibaanada cusub ee barlamanka Soomaaliya.
Ajandaha ugu horeeya ee maanta lagu wado in Xildhibaanada ay ka hadlaan ayaa la sheegay in uu yahay inay ka hadlaan doorashooyinka la fillayo inay ka dhacaan dalka.
Ugu horeyn Xildhibaanada ayaa lagu wadaa inay soo doortaan guddoomiye cusub oo uu yeesho barlamanka, waxaana xiggi doona Doorashada Madaxtinimo ee dalka Soomaaliya oo indhaha lagu wada hayo. Waxaana sii raaci doona Ra’iisul wasaare uu yeesho dalka.
Dowladda lasoo dhisi doona ayaa waxa ay noqn doontaa mid rasmi ah oo ka hana qaadda Dalka Soomaaliya.




![Kulanka looga hadlayo ka hortaga dhibaatada Loo geysto Saxafiyiinta oo Galay Maalintiisii Labaad [ Sawirro ]](http://shabelle.net/wp-content/uploads/2013/05/IMG_2111.jpg)


















Comments are closed.