Muqdisho: (Sh.M.Network) Wafdi ka socda Midowga Yurub ayaa maanta kullan la qaatay Madaxweynaha Soomaaliya, iyadoo dhinaca kale Midowga Yurub ay soo magacaabeen Safiir Midowga Yurub u matala Soomaaliya.
Michal Caravan, waa Safiirka cusub ee Midowga Yurub u qaabilsan dalka Soomaaliya, Wafdi uu hoggaaminayo ayaa maanta waxa ay soo gaareen Magaalada Muqdisho, waxaana kullan ay la qaateen Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya Prof. Xasan Sheekh Max’ud.
Kullanka oo Albaabada ay xirnaayeen ayaa markii uu soo idlaaday waxaa Saxaafadda si wadajir ah ula hadlay Safiirka Midowga Yurub u fadhiya Soomaaliya iyo sii haya Wasiiro Dowlaha Wasaaradda arrimaha dibadda ee dalka Soomaaliya.
Xaamud Sheekh Cali Maasheeye, sii haya xilka Wasiiro Dowladaha Wasaaradda Arrimaha gudaha ee dowladda Soomaaliya oo ugu horeyn shir jaraa’id ka hadlay ayaa waxa uu sheegay in Madaxweynaha Soomaaliya iyo Safiirka waxyaabihii ugu muhiimsanaa oo ay ka wada hadleen ay ka mid ahaayeen dib u dhiska qarannimada Umadda Soomaaliyeed iyo soo nooleynta ammaanka dalka Soomaaliya.
Danjiraha cusub ee Midowga Yurub u qaabilsanaan doona Soomaaliya Michal Caravan ayaa isna waxa uu sheegay in Midowga Yurub uu si aad ah usoo dhaweynayo Isbidalka cusub ee ka hergalay Soomaaliya, isagoo sheegay in si rasmi ah uu ugu howlgali doono gudaha dalka Soomaaliya islamarkaana uu garab istaagi doono Dowladda si ay u gadato Waajibaadka ka saaran dalka iyo dadka. Sida uu hadalka u dhigay.
Midowga Yurub ayaa xilligaani waxa uu u muuqanayaa mid ahmiyad gaar ah siinaya hanaanka Isbadalka siyaasadeed iyo midda amni ee dalka Soomaaliya, waxaana Safiirka cusub ee Midowga Yurub uu usoo magacaabay dalka Soomaaliya uu imaanayaa xilli waddanka Soomaaliya uu galay siyaasad cusub, iyadoo dhawaan la xusuusta in Madaxweynaha Soomaaliya uu ka codsaday beesha Caalamka inay la timaado is badal siyaasadeed oo ku aaddan dalka soomaaliya.























Comments are closed.