Muqdisho ( Sh.M..Network ) – Wafidgii Dhawaan ay Dowalda u dirtey kismaayo ee loo diidey iney galaan kismaayo ayaa sheegey in ay ka baadbaadeen isku day dil oo uu la damacsanaa Axmed madoobe .
Salaad Cilmi Axmed oo ka mid ahaa wafidgii dowlada u dirtey kismaayo balse ku guuldarestey ayaa sheegey in Maleeshiyaadka Axmed madoobe ay dhowr jagboonti dhigeen ciidamo la doonayey iney wafdiga waxyeeleeyaan hadii ay soo dhaafaan garoonka diyaaradaha .
Salaad Cilmi Axmed oo Maanta ka qeyb galayey Barnaamaij ka dooda jimcaha ee idaacada Shabelle kana mid ahaa wafdigii dhawaan loo diidey iney galaan kismaayo ayaa sheegey in maleeshiyaad ka ku sugan kismaayo in ay u gaf ka galeen calanka iyo qaranimada Soomaaliya ayna jabiyeen amar Madaxweyne .
Dhawaan ayey Aheyd markii laga soo celiyey Magaalada Kismaayo wafdi heer caalami ah oo isugu jirey Dowladda , Amisom , Qaramada midoobey iyo Saxaafada Gudaha iyo kuwa Caalamka ka kala socdey .























Comments are closed.