MUQDISHO (Sh.M.Network)—Kullankani oo ay maanta Xarunta Madaxtooyada Soomaaliya kuwada qaateen Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya iyo wafdi ka socda dalka Talyaniga islamaarkaana uu hogaaminayay Wasiirka arrimaha dibadda dalkaasi ayaa waxa ay kaga hadleen dib u soo nooleynta xiriirkii ka dhaxeeyay labada dal.
Kullanka oo ahaa mid ay Albaabadu u xiranyihiin ayaa markii uu soo idlaaday kaddib waxaa siwada jir ah warfidiyeenka u la hadlay Madaxweynaha Soomaaliya iyo Wasiirka Arrimaha Dibadda Talyaaniga Giulio Terzi.
Ugu horeyn Madaxweynaha Jamhuuriyada Federalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo hadalka ku hormaray ayaa waxa uu sheegay in ay kulankooda kaga hadleen dib u soo nooleynta Cilaaqaadkii taariikhiga ahaa ee ka dhaxeeyay Soomaaliya iyo Talyaaniga, waxana uu tilmaamay in kullankani uu bilow wanaagsan u yahay dib u soo nooleenta Xiriirkaasi.
Giulio Terzi Wasiirka arrimaha dibadda dowladda Talyaniga ayaa u mahad caliyay Madaxweynaha Soomaaliya waxaana uu sheegay in uu aad ugu faraxsan yahay booqashada uu Muqdisho kuyimid, isgoo sidoo kale soo dhaweeyay isbadalka kadhacay Soomaaliya.
Dhinaca kale Xurunta Madaxtooyada maanta kullan kan lamid ah ayaa waxaa ku qaatay wadamda daneeya arinta Soomaaliya ee deeqaha bixiya iyo Madaxweynaha dowladda Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud inkastoo aan warbaahinta looga warbixin kullankaasi iyo waxyaabihii ugu muhiim sanaa ee diirada lagu saaray.
Daawo Sawirada Wafdiga dowladda talyaaniga




























Comments are closed.