Muqdisho (Sh.M.Network) Wafdigani ka socday dowladda Ingiriiska ayaa waxa ay ka koobnaayeen waziiro iyo diblumaasiyiin ka soo jeeda dowladda ingiriiska iyagoo kulan kula qaatay xaruunta Madaxtooyada Villa Soomaaliya Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Xasan Sheekh Max’uud.
Kulanka kadib ayaa waxaa ugu horeyn waxyaabihii ay kawada hadleen saxaafadda uga warbixiyay Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Shiikh Max’uud isagoo tilmaamay wafdagani uu ku qaabilay xarunta madaxtooyada ay ka wada hadleen arimo dhowr ah oo ay ka mid tahay taageero dowladda ingiriiska ay siiso dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed.
Dhinaca kale waxaa iyana halkaasi hadal kooban ka jeeddisay waziiradda horumarinta arimaha caalamiga Jastis Grening taas oo sheegtay in dowladda ingriiska ay dowladda Soomaaliya ugu deeqeyso lacag Malaayin Bown ah si ay ufududeyso wax ka qabashada xaalada dhowr ah.
Ugu dambeyn Mac Simon uqaybsanaha arimaha Africa dowladda ingiriiska oo ka hadlay madasha ayaa waxa uu ammaan ballaaran ujeediyay howlgalka isku dhafka ah ee ciidanka dowladda iyo kuwa AMISOM gaar ahaan howlgalladii ugu dambeeyay ee Gobollada Jubooyinka oo ay kula wareegeen Magaalo xeebeedka kismayo



















Comments are closed.