Wafdi ka socda dowaladda iyo AMISOM oo gaaray Kismaayo

maalik_som November 2, 2012 Comments Off

Kismaayo-(Sh.M.Network)— Wafdi ka socday dowladda Faderalka Soomaaliya iyo Ciidamada AMISOM ayaa maanta gaaray Magaalada Kismaayo ee Xarunta gobolka J/hoose, iyadoo kullan looga hadlayay Ammaanka Magaaladaasi uu ka dhacay halkaas. 

Wafdiga gaaray maanta Magaalada Kismaayo ayaa waxaa hogaaminayay Wasiirkii hore ee Wasaarada Gaashaandhigga Xukuumadii Gaas, Xuseen Carab Ciise iyo Taliye Kuxigeenka Ciidamada AMISOM, waxaana garoonka diyaaradaha Magaaladaasi ku soo dhaweeyay mas’uuliyiin ka kala socota Ururka Raaskanbooni iyo Ciidamada dowladda Soomaaliya ee Jubooyinka. 

Markii ay gaareen wafdigga Magaalada Kismaayo ayaa waxa ay kullan la yeesheen mas’uuliyiinta halkaasi ku sugan, waxaana ay kawada hadleen sidii Ammaanka Magaalada iyo goobaha laga la wareegay Al Shabaab loo adkeyn lahaa. 

Ugu horeyn Taliye Kuxigeenka Ciidamada AMISOM oo ka hadlay kullanka ayaa sheegay in Ciidamada AMISOM ee Koonfurta Soomaaliya ay qorsheynayaan in ay gaaraan deegaano duleedka ka ah Magaalada Kismaayo, islamarkaana ay uga sii gudbidoonaan Magaalada Jamaame oo ka mid ah degmooyinka Kaabiga ku ahay Kismaayo. 

Sheekh Axmed Max’ed Islaam (Axmed Madoobe) oo isna ka hadlay kullanka ayaa sheegay in tan iyo markii ay soo bilaabeen dagaalada ka dhanka ah Al Shabaab ay guul la taaban karo gaareen, waxaana uu carabka ku dhuftay in Idaacadaha ka howlgala Magaalada Muqdisho ay hurinayaan colaad dhaxmarata shacabka ku nool gobolada Jubooyinka. 

Afhayeenka Ururka Raaskanbooni C/naasir Seeraar ayaa isna sheegay in ay soo afjari doonaan dagaalada lagala soo horjeedo Al Shabaab, islamarkaana ay ku howlanyihiin sidii gobolada Jubooyinka ay u noqonlahaayeen kuwo nabdoon. 

Suxifiyiinta la socday Wafdigga ayaa lagu wadaa in lagu soo wareejiyo oo la soo tusiyo qeybaha kale ee Magaalada Kismaayo ee Xarunta gobolka J/hoose.

Comments are closed.

Facebook

Twitter