Wadaad caan ahaa oo six un loogu dilay Baladweyne

maalik_som August 19, 2012 Comments Off

Baladweyne: (Sh. M. Network) Sida ay Idaacadda Shabelle ee Magaalada Muqdisho u xaqiijiyeen dad deegaanka ah, gallinkii dambe ee shalay ayaa Webiga Baladweyne lagu arkay Meydka nin caan ka ahaa Magaaladaasi oo si xun loo dilay.

Ruuxa la dilay ayaa lagu magacaabi jiray Cabdullaahi Max’ed, waxaana la sheegay in dilkiisa loo adeegsaday Xarrig lagu dal dalay, kaddibna Meydkiisa isagoo ka xiran Gacmaha iyo Lugaha lagu soo tuuray Webiga.

Dilka Marxuumkaasi ayaa la sheegay inay ka dambeeyeen Ciidamo ka ammar qaata Guddoomiyaha Maamulka gobolka Hiiraan ee Dowladda KMG Soomaaliya, waxaana la tilmaamay in ninkaasi ay shirqooleen, kaddibna ay dileen, sida ay sheegayaan dad deegaanka ah.

“ Nin caan ahaa oo ganacsade ahaa, wadaad ahaa ayaa lagu dilay Magaalada, si xun ayaa loo dilay, magaciisa waxaa la dhihi jiray Cabdullaahi Max’ed, marka waa la shirqoolay, waxa dilay Ciidamada ka amar qaatay guddoomiyaha gobolka Hiiraan” sidaasi waxa yiri mid ka mid ah dadka ku dhaqan halkaasi.

Xaaladda Magaalada ayaa Cabsi gashay, maadaama ninka sida xun loo dilay uu ahaa ruux si aad ah looga yaqaanay Magaalada, waxaana illaa iyo iminka aan jirin wax war ah oo kasoo baxay Maamulka Dowladda KMG Soomaaliya ee gobolka Hiiraan.

Magaalada Baladweyne ee Xarunta gobolka Hiiraan waxa ka dhac dilal qorsheysan iyo qaraxyo loo maleego Ciidamada Dowladda KMG Soomaaliya iyo kuwa Ethiopia ee ku sugan Magaaladaasi.

Comments are closed.

Facebook

Twitter