Waalidiin Dowladda Somaliya ka dalbaday inay sii daayaan Caruurtooda

maalik_som October 10, 2012 Comments Off

Muqdisho: (Sh.M.Network)— Qaar ka mid ah Waalidiintaani oo Caruur ay dhaleen ay ku xiran yihiin Xabsiyada Magaalada Muqdisho oo la hadlay Idaacadda Shabelle ayaa waxa ay ka codsadeen Dowladda Soomaaliya inay sii daayaan Caruurtooda, maadaama sida ay sheegeen aysan ku lug laheyn falalka lagu soo eedeeyay. 

Waalidiintaani ayaa waxa ay sheegeen in dadka xiran ay isugu jiraan Arday iyo ganacsato islamarkaana aysan ku lug laheyn falalka ammaan dari ee ka dhaca Magaalada Muqdisho, iyagoo dalbaday in xoryadooda dib loo siiyo. 

Hadalkani ayaa waxa uu imaanayaa xilli muddooyinkii dambe Ciidamada Dowladda  Soomaaliya ay sameeyeen howlgallo lagu soo qab qabtay dhalinyaro badan oo lagu eedeeyay inay ku lug leeyihiin falalka ammaan darri ee ka dhaca Magaalada Muqdisho.

Comments are closed.

Facebook

Twitter