Marka: (Sh. M. Network) Gobolka Sh/hoose oo caan ku ah wax soo saarka Dallagyada kala duwan ee dalkeena ka baxa ayaa xilligaani waxa xaaladdiisu ay u muuqataa mid dagaal oo ay isaga soo horjeedaan Ciidamada Dowladda, AMISOM oo dhinaca ah iyo kuwa Xarakada Al Shabaab.
Wariyeyaal u shaqeeya Warbaahinta gudaha iyo dibadda ayaa indha indheyn waxa ay u tageen degmooyin ka mid ah gobolkaasi oo ay ku jirtay Magaalada Marka ee Xarunta gobolka Sh/hoose halkaasi oo ay dhawaan la wareegeen Ciidamada Dowladda iyo kuwa AMISOM.
Ciidamada AMISOM ayaa fariisimo waaweyn ka sameystay goobihii ay kala wareegeen Al Shabaab, waxaana Taangiyada iyo gaadiidka gaashaaman oo ay wataan Ciidamada ay ku sugan yihiin hareeraha Magaalada Marka halkaasi oo laga dareemayo dhaq dhaqaaq ciidan kii ugu xoogganaa oo ay sameynayaan Ciidamada Midowga Afrika.
Saraakiisha Ciidamada AMISOM oo qaarkood la hadlay Warfidiyeennada ayaa shaaca ka qaaday in qorshaha ku aaddan la wareegitaanka guud gobolka Sh/hoose oo qeybo ka mid ah ay ku sugan yihiin Al Shabaab uu yahay mid laga baaraan dagay.
Marka laga tago abaabulka dagaal oo Ciidamada AMISOM iyo kuwa Dowladda ay ka wadaan gobolka Sh/hoose ayaa haddana dhinaca kale Al Shabaab waxa ay isku urursadeen deegaanno ka mid ah gobolkaasi oo iyana u muuqanaya in ay doonayaan in dagaalo ku dhufo oo ka dhaqaqa ah ay kula galaan Ciidamada Dowladda iyo kuwa AMISOM sida mararka qaarba dhacda.
Jeneral C/kariin Yuusuf Aadan Dhegabadan, Abaan duulaha Ciidanka Xoogga dalka ayaa Warbaahinta u sheegay in howlgalka Militari uu yahay mid guud ahaan saameynaya dalka oo dhan, marka laga reebo gobolka Sh/hoose oo magaalo Madaxdiisa dhawaan la wareegeen.
Gobolka Sh/hoose maahan gobol leh Istaraatiijiyad dhinaca Militariga ah, waayo waa dhul beereed inta badan dadka ku nool ay tacbadaan beeraha, iyadoo aysan meesha ka marneyn dhaqashada Xoolaha oo gobolka Hodan ku ah, ayna ku sugan yihiin dad dhaqda Xoolo aad u farabadan, waxaase laga war dhowrayaa xaaladda gobolka Sh/hoose oo iminka ku jira jawiga dagaal.























Comments are closed.