Ururka Raaskanbooni oo musuqmaasuq ku Sameeyey Raashin Gargaar

maalik_som December 4, 2012 Comments Off

MOGADISHU(Sh.M.Network)— Wararka ka imaanaya magaalada kismaayo ee Xarunta Gobolka Jubba hoose ayaa waxa ay sheegayaan In raashin gargaar oo ay keentey jimciyada Al- kheyriyah looguna tala galay dadka barakacayaasha ee musmaasuq ku sameeyeen Maleeshiyada Raaskabooni ee ku sugan Qeyboka mid ah Gobolada jubboooyinka .

Mid ka mid ah dadkii loo qeybiyey raashinka oo la soo xiriirrey idaacada Shabelle ayaa waxa uu sheegey in raashinkii gargaarka ahaa ee loogu tala galay dadka barakacayaasha ah laga iibsadey gacancsatada ku sugan Magaalada kismaayo iyadoona dadkii loogu tala galay raashinkaasi loo qeybiyey raashin dhacay wuxuuna tilmaamey in dhibaatooyin fara badan ay heestaan dadkaasi.

Waa Gargaarkii ugu horeesey  ee la gaarsiiyo dadka Barakacayaasha ah ee ku sugan Magaalada kismaayo tan iyo markii halkaasi ay ka baxeyn xarakada Al-Shabaab oo horey u maamuli jirtey Magaaladaasi iyadoo dadka barakacayaasha ah ay ka soo yeertey in raashin gargaar oo ay gaarsiisey jimciyada Al-qeyriyah ay musuqmaasuqdey Ururka Raaskanbooni.

Comments are closed.

Facebook

Twitter