Ururka Raaskambooni oo la sheegay in uusan waxba dhaamin Al Shabaab

maalik_som October 10, 2012 Comments Off

Muqdisho: (Sh.M.Network)— Mudane ka tirsan barlamanka Soomaaliya ayaa sheegay in Ururka Raaskambooni uusan waxba dhaamin Xarakada Al Shabaab. 

Isagoo la hadlay Idaacadda Shabelle ee Magaalada Muqdisho Xildhibaan Daahir Amiin Jeesoow oo ka mid ah Mudanayaasha barlamanka ah ee kasoo jeeda gobolada Jubbooyinka ayaa waxa uu sheegay in Ciidamada uu hoggaamiyo Axmed Max’ed Islaam (Axmed Madoobe) aysan waxba dhaamin Ciidamadii Ururka Al Shabaab ee laga saaray Magaalada Kismaayo ee Xarunta gobolka Jubbada hoose. 

Daahir Amiin Jeesoow ayaa waxa uu shegay inay jiraan dhalinyaro is hubeeyay oo kasoo jeeda gobolada Jubbooyinka islamarkaana kasoo horjeeda Ciidamada Ururka Raaskambooni kuwaasi oo la dagaalamaya Ururkaasi, isagoo tibaaxay inay taageerayaan sida uu hadalka u dhigay. 

Wali waxa uu muran dhinaca Maamulka ah ka jiraa Magaalada Kismaayo ee Jubbada hoose oo laga saaray Al Shabaab, waxaana dad badan ay is weydiinayaan wax ka dhici doona Magaaladaasi, maadaama laga cabsi qabo inuu ka dhaco dagaal salka ku haya Qaab qabiil.

Comments are closed.

Facebook

Twitter