Ururka Haweenka Qaranka Soomaaliyeed oo deeq gaarsiiyay Ciidamada Tagay Jowhar

maalik_som December 13, 2012 Comments Off

Jowhar(Sh.M.Network)—Ubax Tahliil Warsame Guddoomiyaha Ururka Haweenka Qaranka Soomaaliyeed ayaa iyada iyo Wafdi ay Hogaamineyso waxa ay deeq kala duwan Gaarsiiyeen Ciidamada dowladda Soomaaliya ee Dhawaan la wareegay Magaalada Jowhar ee Xarunta Gobolka Sh/Dhexe.

Guddoomiyaha Ururka Haweenka Qaranka Soomaaliyeed Marwo Ubax Tahlil Warsame oo ka hadashay Munaasabadda deeqdaasi Ururku uu ku guddoonsiinayay Ciidamada dowladda Federaalka Soomaaliya Jowhar  ayaa waxa ay sheegtay in Haweenka Soomaaliyeed ay uheelan yihiin islamarkaana ay bar bar taaganyihiin Ciidamada Xooga dalka iyadoo sheegtay in had iyo Jeer ay hiil iyo hooba lagarab taagnaan doonaan Ciidamada Qaranka Soomaaliyeed.

Deeqdani oo ka koobneed Timir ,Sokor,Cabitaanno iyo qaybo kale oo raashinka ah  ayaa waxa si weyn  uga Mahad Celiyay Saraakiisha Ciidamada Qalabka Sida oo sheegay in Ururka Haweenka Qaranka Soomaaliyeed ay taariikhdu xusi doonto sida wanaagsan ay ubar bar taaganyihiin Ciidamada Xoogga dalka Soomaaliyeed ee  utaagan har iyo Habeen difaaca Qaranimada Soomaaliyeed

Ubax Tahliil Warsame Guddoomiyaha Ururka Haweenka Qaranka ayaa aalaaba looga bartay Deeqaha Nuucani ah iyadoo haweenka Soomaaliyeedna ay sheegeen intooda badan in ay tahay Guddoomiyihii ugu wax qabad fiicnaa abid  Ururka Haweenka Qaranka Soomaaliyeed

Comments are closed.

Facebook

Twitter