Muqdisho ( Sh.M.Network) Xafiiska Qaramada Midoobay ee Soomaaliya UNPOS ayaa warbixin uu soo saaray waxa uu dowladda Kaga dalbaday in si Cadaalada Loo qaado Maxkamadeynta Wariye Cabdi Casiis Cabdi Nuur Ibraahim Koronto oo Maalinta Birito ah Lagu wado in Lagu Maxkamadeeyo Muqdisho,
Wariye Cabdi Casiis ayaa Loo heystaa in uu Jabiyay qodobka 269aad oo ku aadan in meel uu uga dhacay Sumcadda Hay’ad Ka mid ah Hay’adaha dowladda Taas oo la xiriirta Warbixin lagu daabacay Bogga Al Jazeera 6 Bishii Jan 2013.
Qaramada Midoobaya ayaa Muujisay Dareenka ay ka qabto Xarigga dheeraaday ee Wariye Koronto iyo sida Loo qaadi dono Dacwaddiisa inkastoo ay Xustay warbixintu in dowladda ay Kala hadashay in qaab Cadaaladda waafaqsan Loo qaado.
Wariye Cabdi Casiis Koronto ayaa Loo heestaa warbixin uu ka diyaariyay Haweeney uu sheegay in ay Kufsadeen Ciidamo Ka Tirsan dowladda Federaalka Soomaaliya Taas oo Saraakiisha Dowladdu ay Ku tilmaameen Ku tura Ku teen iyo waxbo Kama Jiraan.























Comments are closed.