Kampala(Sh.M.Network)– DowladdaUgandaayaa shaacisay in ay kala baxeyso Ciidamadeeda ku sugan Soomaaliya, kuwaasi oo ka qeyb qaadanaya howlgalka AMISOM.
Wasiirka Amniga dowladda Uganda Muruli Mukasa ayaa shaaciyay in dalkiisa Ciidamada ka jooga Soomaaliya ee ka qeybqaadanaya howlgalka ay Qaramada Midoobay taageerto ee AMISOM ay kala soo bixidoonaan sida ugu dhaqsiyaha badan dalka Soomaaliya.
Mr Mukasa aayaa sheegay in uu u socdali doono MagaaladaNew Yorkee dalka Maraykanka si uu ugu sheego Golaha Amaanka Qaramada Midoobay go’aanka ayUgandaqaadatay.
DowladdaUgandaayaa quburo ka tirsan Qaramada Midoobay warbixin ay dhawaantan soo saareen waxa ay ku eedeeysay in ay taageerto Kooxda M-23 oo ka dagaalanta dalka Jamhuuriyada Dimoqoraadiga ah eeCongo, taasi oo ay Xukuumadda Kambala ay si weyn uga carootay.
Dowladda Madaxweyne Musafane ayaa maanta u gudbisay barlamanka dalkaasi qaraar ay ka dalbaneyso in ay ansixiyaan in Ciidamadooda laga soo saaro dalka Soomaaliya, waxaana lagu wadaa todobaadka soo aadan in Xildhibaanada dalkaasi ay dood ka yeeshaan arrintan loo soo gudbiyay.
Ciidamada Uganda ayaa ah qeybta ugu badan ee howlgalka Midowga Afrika ee AMISOM oo ay ka qeyb qaadanayaan dalalka Burundi, Jabuuti, Kenya iyo Sera lion, waxaana ay dowr muuqda ku leeyihiin guulaha uu soo hoynayo howlgalka ay magaciisan huwanyihiin.
Sikastaba lama oga in go’aankani ka soo baxay dowladdaUgandauu noqonayo mid dhaqan gala.























Comments are closed.