Uganda oo mar kale diyaarado usoo diraysa Somaliya

maalik_som August 18, 2012 Comments Off

Kampala: (Sh. M. Network)  Dowladda Uganda aya shaaca ka qaadday in mar kale ay diyaarado dagaal usoo dirayso Soomaaliya xilli ay ka socdaan howlgallo nabad ilaalin. 

Wasiiro dowlaha Wasaaradda Difaaca ee dowladda Uganda Jeje Odongo   ayaa sheegay  in Uganda ay diyaar u tahay in mar kale ay diyaarado dagaal usoo dirto Soomaaliya si ay usii wadaan howlgallada ka dhanka ah Ururka Al Shabaab.

 Jeneral Jeje Odongo ayaa waxa uu sheegay in Ciidamada Uganda ee iminka ku sugan Soomaaliya tiradoodu ay gaarayso 6500-kun, u jeedka ay Soomaaliya u jogaan ay tahay inay wax ka qabtaan dhibaatooyinka jira. 

“ Waxa naga go’an in diyaarado kale aan keenno Soomaaliya, waxay ka qeyb qaadanayaan howlgalka AMISOM, sidaan la socono AMISOM wax badan ayay ka qabatay ammaanka Soomaaliya” sidaasi waxa yiri Wasiiro dowlaha Wasaaradda Difaaca ee dowladda Uganda Jeje Odongo. 

Hadalkani ayaa waxa uu imaanaya xilli dhawaan Diyaarado dagaal oo Dowladda Uganda ay usoo dirtay Soomaaliya ay ku bur bureen hawada dalka Kenya, kaddib cillado soo wajahay.

Comments are closed.

Facebook

Twitter