Uganda oo joojisay hubkii kaga imaanayay Somaliya

maalik_som October 16, 2012 Comments Off

Kampala: (Sh.M.Network)—Dowladda Uganda ayaa sheegtay inay joojisay hubkii sharci darrida ahaa ee uga imaan jiray dalka ay Rabshaduhu la dageen ee Soomaaliya.

Madaxa Guud ee Ciidamada Booliska dalka Uganda Janaraal Kale Kayihura ayaa tibaaxay in dowladda Uganda ay ku guuleysatay in ay joojiso hubkii uga imaanjiray dalka Soomaaliya si looga hortago in dhibaatooyin uu uga imaado shacabka dalka Uganda.

Kale Kayihura ayaa sheegay in ay jiraan kooxo ka macaasha hubka sharici darrada ah, iyagaoo sidoo kale ka faa’iideystay dowlad la’aantii iyo bur burkii ka jiray dalka Soomaaliya 20-kii sano ee la soo dhaafay.

Dowladda Uganda waxa ay sheegtay in ay ka go’an tahay ka qeybqaadashada Nabadeynta Soomaaliya, iyadoo beecasha caalamaka ka codsatay in laga horto hubka sharci darida ah ee ka soo galaya dhanka badda.

Hadlaka Dowlada Uganada ayaa imaanaya Maalmo kaddib markii Ururka Midowga Afrika uu  ugu baaqay Golaha Ammaanka Qaramada Midoobay in Cunna-qabteynta  hubka laga qaado Soomaaliya.

 

Comments are closed.

Facebook

Twitter