Ugand oo Mar kale ku Goodisey Kala bixitaanka Ciidankeeda Soomaaliya

maalik_som November 10, 2012 Comments Off

Kampala ( Sh.M..Network ) – Wasiirka Arimaha Dibada Dowladda Ugand Okello Oryem oo jimcadii kula hadlayey magaalada Campala ee Dalka Ugand ayaa waxa uu sheegey in dalkiisa uu dareemayo Qiyaano Weyn taas oo uu u Cuksadey Eedeyn ay qaramada midoobey u jeedisey Dowladda ugand eek u aadaneed in ay kaalmo siiso Falaagada Dalka Congo isagoona markale ku goodiyey in ay ka go’antahay in ciidamadooda kala baxaan Soomaaliya .

Hadalka Okello Oryem ayaa yimid mudo afar Maalmooda ah ka dib hadal ka soo baxay wasaarada arimaha diabada ee Dowaladda Mareekanka kaas oo lagu sheegey  in Marekanka uu kala Hadley ugand in ciidamadeeda baaqi ku sii ahaadaan Soomaaliya isla markaana uu filayo in ay markaastix galiso Baaq Dowaladda mareekanka ee ah sii joogitaanka Ciidamadeeda Soomaaliya .

“ Shaki igama jiro in Waxba uusan ka soo dabcin Mowqifkii Ugand ay ciidamdeeda kagala soo baxeyso Dalal ay Soomaaliya ku jirto Kaas oo ay kaga Jawaabeyso eedeymah aan salka laheyn ee kaga yimid Qaramada Midoobdey “ Sidaasi waxaa yiri Wasiirka Arimaha dibada Dowladda Ugand Okello Oryem .

Askarta Ugand ee jooga Soomaaliya ayaa lagu Qiyaasaa in ay yihiin Cadad ahaan in ka badan sedex Meelooda meel howlgalka Amisom kuwaas oo kaalin firfircoon kulahaa Howlgalada iyo Dagaaladii Ciidanka Midowga Afrika ay la galeen Xarakada Alshabaab .

Comments are closed.

Facebook

Twitter