Xildhibaano cambaareeay Ciidamada Kenya

maalik_som September 25, 2012 Comments Off

Muqdisho: (Sh.M.Network)   Kullankaani oo ahaa mid xasaasi ah ayaa waxaa isugu yimid Xildhibaanada ka soo jeeda gobolada Jubbooyinka oo ay haatan dagaaladu ka soconayaan, waxaana Xildhibaanada ay diiradda kullankooda ku saareen dhibaatooyinkii ugu dambeeyay ee ka dhacay gobolada Jubbooyinka.

Xildhibaan C/rashiid Max’ed Xiddig oo kullankaasi ka hadlay ayaa waxa uu sheegay in Dowladda Kenya ay ka qabato shaqsiyaadka ka tirsan Ciidamadeeda ee ku sugan gobolada Jubbooyinka inay illaaliyaan xuquuqda ay leeyihiin dadka rayidka ah, wuxuuna ugu baaqay Dowladda Kenya inay war cad kasoo saarto xasuuqii dhawaan ay ka gaysatay deegaanka Jannay Cabdalle ee gobolka Jubbada hoose.

Sidoo kale Xildhibaan Nuur Faarax Jaamac ayaa si kulul waxa uu u cambeeyay Ciidamada Dowladda Kenya oo uu sheegay inay dad rayid ah si ula kac ah ugu xasuuqeen Jubbooyinka, isagoo xusay inaysan aheyn markii ugu horeysay oo ay dad rayid ah dilaan Ciidamada Kenya.

Xildhibaan Cismaan Aadan Dhuuboow oo ka mid ah Mudanayaasha barlamanka ee maanta kullanka qaatay ayaa sheegay in Dowladda Kenya, Soomaaliya ay u timid inay bad baadiso shacabka Soomaaliyeed, balse aan loo keenin in Ciidamadoodu ay si bareer ah u dilaan dadka rayidka ah, isagoo ugu baaqay Hay’adaha samafalka inay gar-gaar la gaaraan goobihii laga saaray Al Shabaab oo ay ka jiraan dhibaatooyin dhinaca bini’aadannimada.

Maalmo ka hor ayay aheyd markii Ciidamada Kenya ay si bareer ah rasaas ugu dileen ku dhawaad 9-ruux oo rayid ahaa oo aan waxba galabsan islamarkaana ku sugnaa deegaanka Jannay-Cabdalla ee gobolka Jubbada hoose.

Comments are closed.

Facebook

Twitter