Odayaal iyo Wax Garad Soomaaliyeed oo ku Baaqey in la Joojiyo Dagaalka ka Soconaya Baalaldheere

maalik_som December 3, 2012 Comments Off

Muqdisho (Sh.M.Network)— Ugaas Cabdullaahi Ugaas Xaashi Ugaas Faracade oo ka mid ah wa garadka ka soo jeeda Gobolka Galguduud  ayaa shirjaa’id oo uu ku qabtay Magaalada Muqdisho, waxa uu guud ahaanba kaga hadley  xiisadda Colaadeed ee ka taagan deegaanka Baalal-dheere ee gobolka Galgaduud ee bartamaha Soomaaliya.

Ugaas Cabdullaahi Ugaas Faracade ayaa waxa uu sheegay in uu si weyn uga xunyahay dagaalkii lagu hoobtay ee ka dhacay deegaanka Baalal-dheere, kaasi oo u dhexeeyay labo beelood oo walaalo ah, islamarkaana wada dega Gobolka Galgaduud.

Ugaas Faracade ayaa ka codsaday dhinacyada dagaalamaya in ay si shuruud la’aan ah ujoojiyaan dagaalka u dhexeeya, isagoona hoosta ka xariiqay in ay muhimtahay in beelaha wada dega Gobolka Galgaduud ay ku noolaadaan Nabad, waxaana uu intaa sii raaciyay in loobaahanyahay in labada beelood ay isugu yimaadaan miiska wada hadalka si looga hortago dhiig dambe oo ku daata Gobolka Galgaduud.

Dhinaca kale Afhayeenka Odayaasha dhaqanka beelaha hawiye nabadoon Axmed Diiriye Cali ayaa isagana sidoo kale sheegey in magaalada muqdisho ay ka soconayaan kulamo gooni gooni ah oo looga hadalaayo sidii loo joojin lahaa colaada ka socoto Deegaanka Balaal dheer.

Deeganka Balaal dheere ayaa waxaa ku dirirey labo beel oo walaalo ah waxaana ka dhacay qasaaro dhimasho iyo dhaawac waxaana baaqyo kala duwan  ka soo yeerey wax garad iyo Aqoonyahno Soomaaliyeed oo ku baaqey joojinta Dagaalka dhiiga fara badan ku daatey.

Comments are closed.

Facebook

Twitter