Muqdisho: (Sh.M.Network) Ugaas Warsame Ugaas Cali Suuleey oo ah Ugaska Beesha Wacdaan oo waraysi siiyay Idaacadda Shabelle ayaa waxa uu sheegay in Beeshooda ay soo dhaweynayso Ugaska cusub ee dhawaan loo Caleemo saaray Beesha Yabadhaale Ceyr.
Ugaaska ayaa waxa uu sheegay in Ugaasyada ay ahaayeen 135-haatanna uu Ugaaska cusub ku noqonay 136- islamarkaana wax lagu farxo ay tahay in Ugaas Axmed Ugaas Cabdulle loo caleemo saaro Ugaaska Beesha Yabadhaale Ceyr sida uu hadalka u dhigay.
Dhinaca kale Ugaaska ayaa waxa uu sheegay in dadka ay yihiin dadkiisa islamarkaana Ugaaska waxa uu ku tilmaamay in Yabdhaale Ceyr kaliya uusan Ugaas u aheyn, balse la dhihi karo waa Ugaas Soomaaliyeed, wuxuuna ugu baaqay shacabka iyo qeybaha kala duwan ee Bulshada ay soo dhaweeyaan Ugaaska. Isagana uu cadaaaladda ka shaqeeyo.
Dhawaan ayay aheyd markii kullanka ay magaalada Muqdisho ku qaateen Waxgagarad, Aqoonyahanno iyo qeybaha kala duwan ee bulshada lagu caleemo saaray Ugaaska Beesha Yabadhaale Ceyr.























Comments are closed.