Turkiga oo sheegay in wali ay garab taagan yihiin Somaliya

maalik_som September 12, 2012 Comments Off

Muqdisho: (Sh. M. Network) Safiirka Dowladda Turkiga u fadhiya dalka Soomaaliya Cemalettin Kani Torun ayaa waxa uu  ugu horeyn hambalyo u diray Madaxweynaha cusub ee Soomaaliya Prof. Xasan Sheekh Max’ud, isagoo tilmaamay in Dowladda Turkiga ay la shaqeyn doonto Dowladda cusub ee Soomaaliya. 

Turkiga ayaa sheegay in Caalamka uu ku fashilmay wax ka qabashada dhibaatada ka jirta Soomaaliya mudadii 20-ka sano ee lasoo dhaafay, islamarkaana haatan Xukuumadda Ankara ay diyaar la tahay inay ka kaafiso Dowladda Soomaaliya adeegyada Bulshada sida ilaha dhaqaalaha, Caafimaadka iyo Waxbarashada. 

Cemalettin Kani Torun ayaa waxa uu sheegay in wali ay jiraan dad ku sugan dalka Soomaaliya oo dhibaato haysata islamarkaana u baahan gar-gaar bini’aadannimo ee deg deg ah. 

19-Aug-2011- ayaa Wafdi ballaaran oo uu hoggaaminayo Ra’iisul wasaaraha dalka Turkiga waxa ay soo gaareen Magaalada Muqdisho, iyagoo mid mid u booqday Xeryaha ay ku nool yihiin dadka barakacayaaha ah xilligaasi oo ay dad badan oo Soomaali ah ay u baahnaayeen gar-gaar iyo niyad dhis intaba.

Comments are closed.

Facebook

Twitter