Turkiga oo barakicinaya Shacab ku nool Nawaaxiga Tarabuunka

maalik_som December 7, 2012 Comments Off

Muqdisho (Sh.M.Network)— Shacabka ku dhaqan inta u dhaxeysa Dugsi Sare Banaadir iyo Isgoyska Tarabuunka ayaa waxa ay ka cabanayaa barakicin ay ku hayaan Hay’addo ka socda wadan Turkiga, kuwaasi oo ay sheegeen in ay doonayaan in dhulkooda ay ka dhisaan dhismayaan ay danahooda gaarka ay ku fuliyaan.

Dadkan ayaa waxa ay sheegeen in Turkigu muddo sadex jeer ah uu burburiyay hanti ay lahaayeen, hadana loo qabtay muddo sadax maalmood ah oo ay maanta ku egtahay taasin ay ku noqotay culeys aad u weyn oo dhanka Nolasha ah.

Xasan Maxamed Cabdi oo ka mid ah dadka danta yar ee ku dhaqan inta u dhaxeysa Tarbuunka iyo Dugsi sare Banaadir ee degmada Hodan ayaa waxa uu sheegay in dhibaatooyinkaasi ay Turkiga si bareer ah ugu geysteen dadka maatida ah, isagoo intaasi ku daray  in ay u yimaadeen mas’uuliyiin iyo Ciidamo turki ah oo u sheegay in muddo sadax maalmood ah ay uga guuraan, hadii ay sidaasi sameyn waayaana Agabkooda iyo guryahooda la burburindoono.

Xasan Maxamed Cabdi ayaa waxa uu ugu baaqay Madaxda ugu sareysa dowladda iyo barlamanka Soomaaliya in si deg deg ah ay arintan u soo faragaliyaan, maadaama ay yihiin muwaadiniin Soomaaliyeed oo lagu soo xad gudbayo.

Su’aasha Isweydiinta mudan ayaa waxa ay tahay Turkiga Miyaa dalkeena dowlad ka ah mise Awood ayuu u leeyahay in uu burburiyo dhul ay leeyihiin Muwaadiniin Soomaaliyeed, hadana uu ugu hanjabo hadii ay dhulkaasi ka guuri waayaana ay baabi’in doonaan hantidooda.

Comments are closed.

Facebook

Twitter