Muqdisho- (Sh. M. Network) – Illaa iyo lix musharrax oo ka tirsan Barlamanka KMG Soomaaliya ayaa maanta isu soo taagay doorashada Xilka Guddoonka sare ee Barlamanka, iyadoo xildhibaanada cusub ee Barlamankana maanta ay yeesheen kullan Ajandihiisu ahaa soo bandhigidda Musharrixiinta qaybta ka ah doorashada Guddoonka cusub ee barlamanka Soomaaliya.
Musharrixiinta u taagan doorashada ayaa waxa ay kala yihiin Prof Max’ed Sh. Cismaan Jawaari ,Prof Cali Khaliif Galeyr, C/rashiid Max’ed Xidig, C/Abshir Cabdullaahi,iyo Xasan Abshir Faarax, Wallow uu is casilay Prof. Cabdi risaaq Jurrille.
Inkastoo illaa 5 Musharrax ay isu soo taageen ka qayb galka doorashada Guddoonka sare ee Barlamanka ayaa haddana waxaa dad badan ay walaac ka muujinayaan haddii uu ku guuleysto doorashadaasi Max’ed Sh. Cismaan Jawaari in mugdi uu galo qaranka Soomaaliyeed Maadaama markii uu qorayay Dastuurka uusan ku muujinin xuduudaha Soomaaliya ay la leedahay dalalka Dariska ah.
Waxaana suura gal ah haddii uu Prof Jawaari uu ku guuleysto qabashada xilka Guddoonka in uu u saamaxo dowladda Norway in Ceelal Shidaal ay ka qodato Gobolada Jubbooyinka sida ay Siyaasyiin iyo Xildhibaano ku dhow dhow Prof Jawaari ay u sheegeen Idaacadda Shabelle ee Magaalada Muqdisho.























Comments are closed.