Muqdisho(Sh.M.Network)—Madaxweynaha Maamulka Ximan iyo Xeeb Max’ed Cabdullahi Aadan Tiicey oo Shir Jar’id ku uqabtay warbaahinta ayaa Hay’adda Maareynta Musiibooyinka waxa uu ku eedeeyay in ay iibsatay Raashiin Gargaar oo loogu talagalay dad danyara oo ku dhaqan Deegaanada Maamulka Ximan iyo Xeeb.
Madaxweynaha ayaa xusay in Rag ka tirsan Hey’adda Maarenta Musiibooyinka ay Musuq Maasuqeen Raashiin Gaaraya 2250 kiish isagoona sheegay in Raashinkaas lagu iibiyay Suuqa weyn ee Bakaaraha ee Magaalada Muqdisho isagoo wax laga xumaado ku tilmaamay in Hey’adda Maarenta Musiibooyinka Raashiin loo waday dad dhibaateysan ay Musuq Maasuq intaasi la’eh ku sameyso
Majiro wax hadala oo ka soo baxay Masuuliyiinta Hey’adda Maareynta Musiibooyinka oo ku aadan edeynta Maamulka Ximan iyo Xeeb oo ka mida Maamul Goboleedyada ka jira Soomaaliya uu ujeediyay Hey’addaasi
























Comments are closed.