Muqdisho: (Sh.M.Network) Guddoomiyaha gobolka Banaadir ayaa ku eedeeyay qaraxyadii shalay ka dhacay Muqdisho inay ka dambeeyaan dadka shacabka ah.
Iyadoo ay xusid mudan tahay in Maqaayad ku taalla Guriga Hooyooyinka oo lagu magacaabo The Village ay ka dhaceen qaraxyo Ismiidaamin ah oo ay ka dambeeyeen labo ruux, ayna ku dhinteen dad badan ayaa Guddoomiyaha gobolka Banaadir waxa uu qaraxaasi ku eedeeyay inay ka dambeeyaan dadka shacabka ah.
Guddoomiyaha gobolka Banaadir Max’ud Axmed Nuur (Tarsan) oo la hadlay Warbaahinta ayaa waxa uu sheegay in qaraxyadii Ismiidaaminta ahaa ee ka dhacay Maqaaxida The Village ee Hooyooyinka ay ka dambeeyaan dadka shacabka ah oo uu sheegay inay ka warhayeen, ama ay yaqaanaan Guryaha ay kasoo baxeen. Dadkii is qarxiyay.
Tarsan ayaa waxa uu ugu baaqay Shacabka Soomaaliyeed inay la shaqeeyaan Lama ammaanka si looga hortago falalka nuucaani oo kale ah oo muddooyinkaani kusoo kordhay Muqdisho.
Tan iyo markii la doortay Madaxweynaha cusub ee Soomaaliya Prof. Xasan Sheekh Max’ud ayaa waxa Muqdisho kusoo laab laabtay Qaraxyo is xig xigay, iyadoo inta badan lagu eedeeyay qaraxyadaasi Saraakiisha Nabad sugidda oo la tilmaamay inay ka gaabiyeen shaqadooda.























Comments are closed.