Muqdisho: (Sh.M.Network) Maamulka gobolka Banaadir ayaa ku eedeeyay Ciidamada Militariga inay ka dambeeyaan falal ammaan darri ee ka dhaca Muqdisho.
Max’ud Axmed Nuur (Tarsan) Guddoomiyaha gobolka Banaadir ayaa ku ee deeyay Ciidamada Militariga ee Dowladda Soomaaliya in ay ku lug leeyihiin falalka ammaan darri oo muddooyinkii ugu dambeeyay ka jiray Magaalada Muqdisho.
Tarsan ayaa sheegay in ilaa 14-isbaaro ay taallo inta u dhaxaysa Muqdisho iyo Maslaxa halka sideed kalana ay yaalaan inta u dhaxaysa Xerada Maslax ee duleedka Muqdisho ilaa degmada Balcad, kuwaasi oo uu tilmaamay in gabi ahaantoodaba ay ka howlgalaan Ciidamada Militariga Dowladda Soomaaliya gaar ahaan guutada labaad ee Ciidamada Xoogga.
Hadalka kasoo baxay Guddoomiye Tarsan ayaa imaanaya xili maalmihii lasoo dhaafay kuwa isdabajoog ah ay noqdeen falalka ka dhanka ah ammaanka ee ka dhaca Muqdisho iyo cabashooyinka ay muujinayaan gaadiidlayda ka shaqaysa duleedka Muqdisho.























Comments are closed.