Talisyada dowladda iyo AMISOM oo hub soo bandhigay

maalik_som October 24, 2012 Comments Off

Muqdisho (Sh.M.Network)— Talisyada Ciidamada Xooga dalka Soomaaliya iyo kuwa AMISOM ayaa maanta soo bandhigay hub iyo waxyaabaha qarxa oo laga soo helay gobolka Sh/hoose.

Shir jaraa’id oo ay maanta siwada jir ah ugu qabteen Magaalada Muqdisho Talisyada Ciidamada Xooga dalka iyo AMISOM ayaa waxa ay ku soo bandhigeen hub farabadan iyo waxyaabaha qarxa, kuwaasi oo ay sheegeen in ay ku soo heleen howlgallo ay ka sameeyeen gobolka Sh/hoose.

Gen:Cabdi Kariin Yuusuf Aadan Dhega Badan oo isna ka hadlaayay goobta lagu soo bandhigay hubka iyo waxyaabaha qarxa ayaa waxa uu sheegay in ay ka warhayaan Goobaha Miyiga ah ee Al Shabaab kaga suganyihiin Gobolka Sh/hoose islamarkaana ay tallaabo muuqato ka qaadi doonaan.

Kornel Mangurawe oo ka mid ah saraakiisha Ciidamada Nabad Ilaalina Midowga Afrika ee AMISOM oo isna ka hadlay goobta lagu soo badhigayay hubka iyo waxyaabaha qarxa ayaa waxa uu sheegay in howgalada nuucaani oo kala ah ay sii socon doonaan, islamarkaana ay bilaw u yihiin xaqiijinta Amaanka, isgoo ugu baaqay dagaalyahanada wali ka tirsan Ururka Al Shabaab in ay ku soo biiraaan Ciidamada dowlada si Soomaaliya ay u noqoto wadan aduunyada wax la qeybsada.

Ugu danbeyn Janaraal Cali Caraaye Cosoble Gacma-duule  Taliyaha howlgalinta Ciidamada Xooga dalka oo ka hadalay goobta ayaa waxa uu sheegay in hubka iyo waxyabaaha qarxa ay gacanta ku soo dhigeen ay ahaayeen kuwii Ururka Al Shabaab ay ku dhibaateynayeen shacabka Soomaaliyeed, waxaana uu tilmaamay in shacabka loo baahanyahay in ay gacan ka geystaan sidii loo xaqiijin lahaa ammaanka gobolka.

Comments are closed.

Facebook

Twitter