Taliska waddooyinka oo maro dul dhigay Gaadiidleyda Muqdisho

maalik_som August 22, 2012 Comments Off

Muqdisho: (Sh. M. Network)  Taliyaha Ciidamada Booliska qeybta Nabad galyada waddooyinka Sareeye Guuto Cali Xirse Barre (Cali Gaab) oo waraysi siiyay Idaacadda Shabelle ayaa waxa uu kaga digay Gaadiidleyda isticmaasha waddooyinka halbowlaha u ah Muqdisho gaar ahaan wadada Maka Al-Mukarama inaysan gawaarida dhigan karin goobaha aan Bakinka aheyn.

Cali Gaab ayaa waxa uu sheegay in Gaadiidleyda looga baahan yahay inay u dhego nuglaadaan sharciga waddooyinka, islamarkaana ay ku dadaalaan inay ciriiro ka dhigan wadada Maka Al-Mukarama oo ah waddo aad u mashquul badan.

Sidoo kale Taliyaha ayaa waxa uu ku wargaliyay Gaadiidleyda inay la shaqeeyaan Taliska Ciidamada booliska ee Waddooyinka si loo xaqiijiyo ammaanka Magaalada Muqdisho, isagoo xusay in cid waliba oo ka dhega  adeegta ammaradaasi tallaabo laga qaadi doono sida uu hadalka u dhigay.

Magaalada Muqdisho ayaa muddooyinkii dambe waxa soo buuxdhaafiyay gawaari aad u farbadan oo qaarkood xanniba waddooyinka muhiimka ah, iyadoo ay sidoo kale jiraan shilal ka dhaca waddooyinka, taasi oo hakad galisa isticmaalka waddooyinka ugu waaweyn  Magaalada Muqdisho ee Caasimadda dalka Soomaaliya.

Comments are closed.

Facebook

Twitter