Muqdisho: (Sh.M.Network) Taliyaha Taliska Guud ee Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliya Gaashaanle sare Warsame Max’ed Diiriye oo la hadlay Warbaahinta xilli uu ku sugnaa Xarunta Villa Baydhabo oo Haween Soomaaliyeed ay Ciidamada Xoogga ku guddoon siinayeen Xoolo Nool ayaa waxa uu sheegay in Ciidamada Dowladda ay ka go’an tahay la dagaalanka Al Shabaab.
Warsame Max’ed Diiriye ayaa waxa uu sheegay in Ciidanka Muddooyinkii dambe howlgallo ballaaran ay ka wadeen gobolo ka mid ah Soomaaliya sida Hiiraan, Shabeelooyinka iyo gobolada Jubbooyinka islamarkaana ay ku guuleysteen hadafkii ahaa wiiqitaanka Al Shabaab.
“Mar hore ayay aheyd inay qabtaan gobolada dalka, laakiin waxa na hakinaya waa Taatiko Militari, marka waa laga xoreynayaa goobaha ay hadda joogaan Al Shabaab” sidaasi waxa yiri Taliyaha Taliska Guud ee Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyeed.
Ciidamada Dowladda iyo kuwa AMISOM oo iskaashanaya ayaa la wareegey deegaanno dhowr oo ka tirsan gobolada dalka oo ay ugu dambeysay Magaalada Kismaayo ee Xarunta gobolka Jubbada hoose.























Comments are closed.