Taliska Jabuuti oo sheegay in ay hanteen Ammaanka Gobolka Hiiraan

maalik_som February 20, 2013 Comments Off

Baladweyne (Sh.M.Network) Korneel Cismaan Dubad Taliyaha Ciidamada Jabuuti ee Gobolka Hiiraan oo u waramayay Idaacadda Shabelle ee Magaalada Muqdisho ayaa waxa uu sheegay in ay xaqiijiyeen Ammaanka Gobolka Hiiraan.

Taliyaha ayaa sheegay in istiraajiyad ay ku hananayaan Ammaanka Gobolkaasi Hiiraan ay sameeyeen taasi oo uu ka carab dhaway In ay Xareeyeen Maleeshiyaadkii  hubeysnaa oo ku sugnaa Gudaha Magaaladaasi Baladweyne ee Gobolka Hiiraan.

Korneel Dubad ayaa Xusay in 14 Ka Beelood ee Deggan Gobolkaasi ay u qabteen shirweyne si ay uga dhaadhiciyaan ka shaqeynta Ammaanka Gobolkaasi Hiiraan iyo sidii wada shaqeyn wacan ay u dhexmari lahayd Bulshada Gobolkaasi Hiiraan iyo Ciidamada Midowga Afrika ee ka howl gala Gobolkaasi.

Ugu dambeyn Taliyaha ayaa ugu baaqay Shacabka ku dhaqan Gobolkaasi Hiiraan in ay difaacdaan Ammaanka iyo Nabad Gelyada Ka jirta Gobolkaasi Hiiraan

Comments are closed.

Facebook

Twitter