Muqdisho(Sh.M.Network)—Taliyaha Ciidanka Maamulka Puntland ee Gobolka Bari Col:Jaamac Saciid Warsame oo lahadlay Idaacadda Shabelle ayaa waxa uu shaaca ka qaaday in Al Shabaab ay ka ciribtiri doonaan Gobolka Bari gaar ahaan Buuraleyda Galgala
Taliyaha Gobolka Bari ee Maamul Goboleedka Puntland Col:Jaamac Siciid Warsame ayaa Shaaca ka qaaday in iminka ay udiyaariyeen Ciidamo gaar ah oo howlgal xoogan ku qaada dhulka Buuraleyda ee Galgala isagoo tilmaamay in maalmihii dambe ay ka arinsanayeen sida loo wajahayo howlgallada Al Shabaab awoodooda deegaannada Puntland lagu wiiqayo islamarkaana ammaanka deegaannada Maamulkaasi Puntland loo xoojin lahaa
Hadalka Taliyaha ayaa yimid kadib kulan ballaaran oo ka dhacay Magaalada Boosaaso kaas oo looga hadlayay ammaanka Gobolka Bari gaar ahaan sidii wax looga qaban lahaa dhibaatooyinka Al Shabaab dhulka Buuraleydaa ay ka fuliyaan
Kooxo uu hogaamiyo Max’ed Saciid Atam oo ku sugnaa Buuraleyda Galgala ayaa dhawaan la midoobay Ururka Al shabaab kuwaasi oo weeraro lasoo kowsada deegaannada Maamulka Puntland
























Comments are closed.