Taliska Degmada Afgooye oo soo bandhigay Kooxa ka tirsan Ururka Al Shabaab

maalik_som February 2, 2013 Comments Off

Afgooye  ( Sh.M.Network) Cabdi qaadir Cismaan Mursal Taliyaha Booliska Degmada Afgooye oo Warbaahinta u soo Bandhigay Rag uu sheegay in ay Ka tirsanaayeen Xarakada Al Shabaab oo ay gacanta ku dhigeen kadib Markii ay Ka soo qabteen Duleedka Degmada Afgooye ee Gobolka Shabeelaha Hoose ayaa waxa uu sheegay in raggaasi ay Horay Degmada Afgooye ugu dileen Ciidamo Katirsan dowladda Soomaaliya haatanna ay doonayeen in ay qal qal Galiyaan Ammaanka Degmada Afgooye ee Gobolka Sh/hoose.

Taliyaha ayaa sheegay in ay sii wadayaan Howl Gallada ay Ku baacsanayaan Kooxaha dhibaatada Ka wada Degmadaasi isagoo tibaaxay in weli ay Ku raad Joogaan kooxa kale oo ay heleen Xog ku saabsan Meelo ay ak soo abaabulayaan weeraro qorsheysan

Dhawaan ayey ahayd Markii Askar Ka tirsan Ciidamada dowladda Soomaaliya dil Loogu Geystay Degmada Afgooye ee Gobolka Shabeelaha Hoose.

Comments are closed.

Facebook

Twitter